Geerida “Libaaxa Muqdisho’ oo la tuhmayo inay aheyd mid la qorsheeyey + Sababta

Kampala (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaya tuhuno la xiriira in geerida Jeneral Paul Lokech oo la yaqiin “Libaaxa Muqdisho”, kaasi oo Sabtidii lagu aasay dalka Uganda, ay aheyd mid la qorsheeyey oo ay ku lug lahaayeen gacmo kale.

Jeneral Lakoch, oo 55 jir ahaa, ayaa hoggaamiyey howlgalkii 2011 Al-Shabaab looga xoreeyey Muqdisho, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho,” ayada oo aaskiisa uu ka qeyb-galay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligii la xoreeyey Muqdisho dalka madaxweyne ka ahaa. 

Markii uu geeriyooday 21-kii August waxa uu 8 bilood oo kaliya ahaa ku-xigeenka dambi-baaraha guud ee booliiska Uganda.

Wargeyska Daily Monitor ee Uganda ayaa sheegay in durbadii uu dhintay Jeneral Lokech suuqa lasoo geliyey inuu u dhintay dhiigga u xinjiroobay, xitaa kahor inta aanay dhaqaatiirta baarin oo aanay shaacin sababta rasmiga ah ee dhimashada.

Wargeyska ayaa yiri “Dadka Uganda waxay illaa hadda is-weydiinayaan sidee durba shacabka uga war heleen sababta geerida, ayada oo aan wax baaritaan rasmi ah la sameyn.”

Arrinta kale ee tuhunka dhalisay ayuu wargeyska ku sheegay in bayaan ay soo saraeen booliska, kadib baaritaan ay sameeyeen afar dhaqtar, lagu sheegay in sababta dhimashada ay aheyd dhiigga oo xinjiroobay, taasi oo waafaqday war suuqeedkii horey u jiray.

“Sidee ayey ku ogaadeen dadkii suuqa soo geliyey sababta dhimashada kahor inta aanay baaritaan la sameyn ama booliska shaacin. Sidee war suuqeedka iyo warbixinta booliska isku waafaqeen?,” ayuu wargeyska Daily Monitor ku yiri faallo uu qoray.

Warbixinta wargeyska ayaa lagu sheegay in la tuhmayo in madaxweyne Museveni ay suurta-gal tahay inuu ka dambeeyey dilka “Libaaxa Muqdisho”, maadama uu caan ku yahay inuu si hoose u dilo dadka ay is-qabtaan kadibna sababo aan jirin loo sameeyo. 

“Marka aad eegto guul-darrada Museveni ee ah inuu caddaaladda horkeeno dilayaasha dad badan oo caan ka ahaa Uganda, iyo xaqiiqda ah inuu marar badan sheegay arrimo aan sax aheyn, waad fahmeysaa sababta shacabka Uganda ay tuhun uga qabaan geerida Libaaxa Muqdisho.”