TURKIGA oo go’aan cad ka qaatay xaaladda Afghanistan

Kabul (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa go’aan rasmi ah ka qaadatay xaaladda dalka Afghanistan iyo safaaradda ay ku laheyd magaalada Kabul ee Caasimadda dalkaas.

Dowladda Turkiga ayaa dib u furtay safaaradda magaalada Kabul, iyadoo go’aan ku gaartay inay sii wadato joogitaankeeda diblomaasiyadeed ee Afghanistan sida uu ku dhawaaqay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Dowlada Turkiga ayaa markii ay Taalibaan qabsatay dalkaas oo dhan waxay Kabul kasoo daad gureysay dad rayid ah iyo ciidamo marka laga reebo kooxo farsamo ah oo ka shaqeeneysay wada-hadaladii dhex maray kooxda Daalibaan iyo Maamulka Ankara.

Erdogan oo dhawaan kasoo laabtay safar uu ku tagay Montenegro ayaa sheegay in safaaradda Turkiga ee Kabul ay u guurtay dhismaheeda Magaalada dhexdeeda ahaa kadib maalmo ay ku shaqeeneysay gudaha Garoonka Diyaaradaha ee Kabul.

“Qorshahayagu hadda waa in aan sidan ku sii wadno joogitaankeenna diblomaasiyadeed. Waxaan si joogto ah u cusbooneysiineynaa qorshayaasheena iyadoo loo eegayo horumarka la xiriira xaaladda amniga,” ayuu yiri Erdogan.

Erdogan ayaa hadalada kasoo yeerayo kooxda Daalibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa abuurayo rajo wanaagsan isla markaasna ay rajeenayaan inay yeeshaan xiriir diblomaasiyadeed oo ku dhisan isfaham iyo wada-shaqeyn.

Dowladda Turkiga iyo Taalibaan ayaa dhawaan isku fahmay in Turkiga lagu wareejiyo maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Kabul halka kooxd Daalibaan ay la wareegi doonto ammaanka garoonka.