Qarax khasaaro kala duwan uu ka dhashay oo lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax khasaaro kala duwan geystay ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo noociisa uu ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowlada.

Gaariga uu Qaraxa haleelay ayaa waxaa wehlinaayay gaari kale oo noociisu ahaa Cabdi bile, waxaana lasoo sheegayaa in Cabdi bilaha uu ka badbaaday Qaraxa.

Inta la xaqiijiyay laba Askari ayaa ku dhimatay Qaraxa, halka Seddex kalane uu kasoo gaaray dhaawac culus oo qaarkood ay ku waayen xunaha jirkooda.

Maamulka degaanka iyo Saraakiil Ciidan ayaa gaaray goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Qaraxyada ugu badan ee xiligaan ku badanaaya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ayaa ah nooca rimuudka oo bilihii ugu danbeeyay aan suuqa ku jirin.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com