Qarax labaad oo ka dhacay magaalada Muqdisho & Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax labaad oo loo adeegsaday gaari ayaa waxa uu goordhow ka dhacay laamiga Ceel Qalow Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa goobta Qaraxa.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa Noah la dhigay laamiga dhinacsiisa, waxaana qaraxaasi uu ahaa mid isna laga maqlay qeybo badan oo Muqdisho kamid ah.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay ridayeen ciidamada dowlada, waxaana dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintayba la geeyay Isbitaal Madiina.

Ciidamada amaanka ayaa buux dhaafiyay goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi u diideen in dadka shacabka ah gaaraan.

Qaraxaani ayaa noqonaaya kii labaad oo ka dhaca magaalada Muqdisho muddo ka yar laba saac gudahooda, waxaana Qaraxa Wadajir ku dhaawacmay laba ruux, halka ruux kalane uu ku dhintay.

Hay’adaha amaanka ayaan weli ka hadal Qaraxa ka dhacay laamiga Ceel Qalow Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Qaraxaan ayaa kusoo beegmaaya Qarax aad u cuslaa oo ka dhacay Isgooska Zope, kaa oo galaaftay nolosha shacab farabadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com