Sawirro Cusub: Meydad ku hoos jira dhismooyinka ku dumay Qaraxii Soope & Khasaaraha oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu maanta ka dhacay Isgoyska Soope ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo aad u cuslaa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 23 qof oo rayid ah, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 50 ruux.

Qaraxan, ayaa burbur xoogan soo gaarsiiyay dhismaha Hotel Safaari, sidoo kale burbur xoogan, ayaa ka soo gaaray goobo ganacsi oo ku yaalay wadadaasi.

Gaadiid fara-badan, ayaa waxaa la sheegay inay ku burbureen qaraxaasi, kuwaa oo xiliga Qaraxa mareysay wadada.

Dhaawacyada iyo Meydadka oo buux dhaafiyay wadada ayaa waxaa lawada dhigay isbitaalada Daaru Shifaa iyo Madiina oo aan ka fogeyn goobta.

Meydadka dad shacab ah ayaa waxaa weli laga soo saarayaa dhismooyinka hoostooda kuwaa oo xiliga Qarax uu kusoo dul dumay.