26.5 C
Mogadishu
Sunday, June 7, 2026

Mas’uul ka tirsan DF oo kamid noqday dadkii ku dhintay ismiidaamintii ka dhacday Muqdisho +Magaca

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay Isgoyska Soope ee Magaalada Muqdisho uu ku dhintay mas’uul ka tirsanaa Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaddaha.

Mas’uulkan ayaa la sheegay in xiliga uu dhacaayay Qaraxa uu kamid ahaa dadkii isticmaalayay wadada, waxa uuna la kawsaday ismiidaaminta xili uu kusii jeeda Isgooyska Debka.

Mas’uul ka tirsan Wasaarada ayaa inoo xaqiijiyay inuu geeriyooday Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaraddaasi Abuukar Daahiye.

Waxa uu intaa ku daray mas’uulka in marxuumka uu sababsaday dhaawac cuslaa oo kasoo gaaray Qaraxa, waxa uuna isla goobta ugu dhintay dhaawaca.

Dadka dhaawacmay ayaa sidoo kale la sheegay inay ku jireen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia, inkastoo aan si toosa loo carabaabin magacyadooda.

Dhinaca kale, Qaraxaani ismiidaaminta ahaa ayaa la sheegay inuu ahaa kan ugu cuslaa ee ka dhacay Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News