Somaliland: Gobollada dimuqraadiyada Soomaaliya

Somalind, waa qeyb kamida Soomaaliya waana Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Caasimadda Maamulka Somalind waa  Hargeeysa, Somalind 1991, waxay ku dhawaaqday  inay Soomaaliya ka go’en  kana madax bannanyihiin  Soomaaliya  Adduunkana  ictiraaf  ka rabta   welise ma aysan helin Aqoonsi Dawlad gooniya  waana mida aan u istacmaalay inay yihiin qeyb kamida Soomaaliya,  Gooni isu taaga Somalind wuxuu yimid kadib markii Dawladdii dhexe  Madaxweyne Maxamad Siyaad Barre,ay meesha ka baxday 1991,  xiligaas oo ay Jabhaddii   Dhaqdhaqaaqa Qaranka Soomaaliyeed, Somali National Movement (SMN) ay gacanta ku dhigen Gobollada  Waqooyi  Galbeed Soomaaliya (Somalind).

Somaliland waxa  lagu yegleelay  Magaalo madaxda Gobolka Togdheer ee Burco 18kii May 1991kii. Waxa Burco iskugu yimi oo go’ aan  wada gaaray  inta badan  Beelaha Somaliland  waxayna ku heshiyen koow inay is cafiyan deedna dhistan Dawlad  ugoo niya.

Maamulka  Somalind waxaa ka jira Seddex   Golle, oo ah hannanka Dawladnimo  Golaha wakiillada, Golaha Guurtida iyo Golaha fulinta, waxaa  siidheer  Golaha garsoonka.  Somalind  hannaanka dimuqraadiyaddeed ee ay dhisten kuna heshiiyeen  waa mid u saamaxay inay ku naloodan nabad  iyo xasilooni muddo 26, sanno ah   waxayna ka  dimuqraadisan yihiin Dawladdo badan   oo kuyaal Afrika iyo  Asiya in kastoo aysan iyagu  Dawlad la aqoonsan yahay ahayn.

Somalind waxaa ka dhisan seddex Xisbi, Xisbiga Kulmiye, oo hada talada haya , Ucid iyo Wadani, Somalind  Nofeembar  2017, waxay u dariiri doonan Doorashada Madaxweynenimo  waxana ku loolami doona seddexda  Xisbi   waxaana  sharraxan seddexda Guddoomiye xisbi  qeybta hoose ayan ku  sharrixi doona siyaasiinta u sharaxan xilka Madaxweynenimo ee Somalind.

Is barbar dhig  Somalind iyo Puntland)

Puntland waa  qeyb kamida Soomaaliya  waxay dhisan tahay 19, sannadood, waana  ismamulkii labad ee ladhisay kadib burburkii dawladdii dhexe ee  Soomaaliya  Puntland  dhanka siyaasadda waa ka duwan tahay Somalind  waana maamulkii koowad ee hannanka Federalka lagu saleeyey” waxay ka dhaqaalo   badan tahay Somalind waxayna ka dhul weyntahay  Somalind,

 Puntland 19, sanno waxay   u gudbi la,dahay hannaanka Somalind oo kale oo ah mid shacabku doortan  xildhibaanada iyo Madaxwenaha   doorashadii  ugu dambeysay ee Puntland ka dhacday  Waxaa Maamul Gobolleedka Puntland isu soo sharraxay in ka badan 20, musharax, waxana ka guuleystay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wuxuuna  xilkas ku helay inuu ballan qaaday inuu Puntland  u rari doono  Degal Dimuqraadiyad ah 2019,na PLD)  codbixinta doorashada loo wada dareeri doono laakiin hada oo xilkiisii ay ka harsan tahay hal sanno, iyo dhawr bilood weli ma muuqato sansan looga guurayo hannankii qabaliga aha xasuusnoq Puntland  Midnimada Soomaaliya ma diidana.

Koonfurta Soomaaliya oo ay madax u tahay Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya waxaa marka dorasho Madaxweyne  dhacayso isu soo sharrax in ka badan 30, musharax, halka Somalind ay Seddex keliya isu sharaxaan jigada Madaxweynenimo, soo Gobolladdii  Dimuqraadiyadda mahan Somalind?.

Waxa  xilka Madaxtinimo ee Somalind  u tagan  Seddex  musharax  oo can ka ah Soomaaliya, waa Rag Seddexaduba,  waana seddex Nin  oo Jamhuuriyadii dimuqraadiga ee  Soomaaliya usoo shaqeyey,

1, Enjineer, Faysal Cali Waraabe, musharax Madaxweynenimo ee Soomaalind 2017, waa Enjineer, wuxuu labo jeer  so  baratamay  Madaxweynenimada  Somalind  kumase  guuleysan. Faysal Cali Waraabe, wuxuu soo noqday  1976 ilaa 1981 wuxuu ahaa Agaasimaha waaxda qorsheynta iyo Dhismaha ee wasaaradda hawlaha guud. 1981i ilaa 1984, Feysal Cali Waraabe wuxuu noqday Madaxii engeneerada dowladdii Hoose ee Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Feysal inta badan wuxuu saxaafadda ka sheega, gooni isu taaga Gobollada waqooyi Galbeed Soomaaliya  Somalind), inay tahay muqadas, wuxuuna  adeegsada Erayo, ay ka mid ahayeen Qofkii Soomaaliya laga maqlo Carrabka ha laga gooyo. Waa  Guddoomiyaha  xisbiga Ucid Koonfurta Soomaaliya wuxuu  u yaqaan Walaweyn, oo ah Degmo kamida Gobolka  Shabeelaha hoose.

Musharax  Muuse Biixi   waa sargaal  Duuliya  1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska saraakiisha oo uu kusoo-qaatay waddanka ruushka Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). soo-noqadkiisi waxa uu ka midnoqday Ciidamadii-cirka ee Soomaaliya kuwoodii ugu cad-cadaa xaga ciidamada Militeriga ee  Cirka. Waa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Musharax  Cabdiraxmaan  Cirro,  1981-1988,  wuxuu  soo noqday  uqeybsanaha Madaxa-waaxda iskaashiga dhaqaalaha Wasaaradda  Arrimaha Debedda ee Somalia.1988-1991-wuxuu  soo qabtay  Qunsulkii  dan wadaagaha safaaradda Ruushka u fadhiyey  Soomaaliya .1997-1998 wuxuuna soo noqday Guddoomiyaha Golaha wakiiladda Somalind waana   Guddoomiyaha xisbiga Wadani.

Seddexduba waxay ka siman yihiin  gooni isu taaga Somalind

1,Madaxweyneyaashii Somalind  soo maray    Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur  wa madaxweynihii ugu horeyey,

2, Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya  Maxamad Ibrahin Cigaal

3, Daahir Riyaale Kaahin,

4, Axmad Maxamad Maxamuud Siilanyo  

Siyaasiinta Somalind  markii la weydiiyo Midnimada Soomaaliya  waxay xujo ka dhigan  markii Koonfuri dawladnimada ku heshiiso  hanala hadlan  bal Koonfuri   ha heshiiso iyo waanu ku hongownay midnimadii lixdankii.

Xasuusnow  waxaa jira wada hadal u dhexeya Somalind iyo Soomaaliya, waa sida ku qoran warqadaha wada hadalka, ee Turkigu   hormuudka ka yahay..

Hambalyo ayaan leeyahay nabada iyo xasiloonida maamulka Somalind, waa qeyb kamida Soomaaliya oo ah Gobolladii Dimuqraadiyadda Soomaaliya

W/Q: Cabdinuur Faarax Maxamuud

Falanqeeye arrimaha bulshada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid