Qarax lagu dilay SARKAAL sare oo ka dhacay Afgooye

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-gaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaano Baar Ismaaciil oo ka tirsan degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday baabuur uu watay taliyaha rugta tadaamun ee Booliska Soomaaliya, Cabdi Madoobe, sida ay xaqiijiteen goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in sarkaalka qaraxa lal eegtay uu geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac kale.

Xaaladda goobta ayaa ah mid kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro weli wax faahfaahin ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha oo ku aadan dhacdadaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca weerar toos, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ay magaaladaas ka fuliyaan dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.