QARAX lagu dilay shaqaale ka tirsan HORMUUD oo ka dhacay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday shirkada Hormuud.

Qarax lagu xiray gaari noociiisa yahay Noha oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmada Hiliwaa, halka sidoo dhaawacyo halis ah uu ka soo gaaray labo hawl-wadeeno oo kale.

Qaraxaan ayaa dhacay 10 maalmood kadib qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay lahayd shirkadda Hormuud, kaasi oo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa shaqalaha shirkadda Hormuud.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xig-xigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile iyo BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.

Shirkadda Hormuud ayaa wajaheysa weerarro aan ilaa hadda la shaacin cidda u geysata, xarumo badan ayaa shirkadda qaraxyo looga burburiyey bilihii iyo todobaadyadii la soo dhaafay.

Weerarrada lagu qaaday xarumihii shirkadaas ayaa inta badan la fuliyo xiliyo habeen ah, waxaana ilaa hadda la garan cidda geysata, waxaana intooda badan ku burburtay hanti oo waxaa yaraa khasaaraha nafeed.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka shirkadda Hormuud ayaan weli kama aysan hadlin weerarrada ku socda xuramaha shirkadda, mana jirto cid sheegatay masuuliyadooda.

Sidoo kale ilaa hadda ma jirto cid loo soo qabtay dhammaan wixii weerarro loo geystay Hormuud, waxaana xusid mudan in amniga Muqdisho uu soo hagaagay oo ciidamo badan laga howl-geliyey.

Hormuud ayaa sidoo waxay leedahay ciidamo gaar ah oo waardiye ka haya xarumaheeda, balse waxaan ilaa hadda lama garan sababta aan loo soo qaban cidda qaraxisa.