Shir DEG DEG ah oo lagu badbaadinayo Puntland oo maanta lagu dhowaaqay

Garoowe (Caasimada Online) – Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah waxgaradka Puntland ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan doorashooyinka iyo go’aanka ay shalay qaateen Isimada Dhaqanka maamulka KMG ka ah ee SSC-Khaatuma.

Boqorka ayaa iclaamiyay shir deg-dega ah oo uu ugu baaqay inay kasoo qayb-galaan dhammaan Isimada Puntland, si looga tashado arrimaha soo kordhay ee maamulkaasi.

“Waxaan ku baaqayaa in Isimmada Puntland shir degdeg ah isugu yimaadaan si looga tashado aayaha Puntland” ayuu yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inuu ixtiraamayo, soona dhoweynayo go’aanka ay gaareen Isimmadda SSC oo Sabtidii ku dhowaaqay inay gabi ahaan isaga baxeen Puntland.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in go’aankooda uusan wax dhibaato ah u geysan doonin jiritaanka Puntland oo lagu naaneyso hooyada federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale wuxuu Boqor Burhaan farriin u diray madaxda Puntland iyo mucaaradka, oo uu ugu baaqay inay khilaafka meel iska dhigaan, una soo jeestaan badbaadinta Puntland.”

“Waxaan maamulka Puntland, Musharixiinta iyo Siyaasiyiinta kale ugu baaqayaa in meel la iska dhigo faraqa u dhexeeya loona midoobo badbaadinta Puntland.” Ayuu yiri Boqor Burhaan” ayuu mar kale yiri Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimada Puntland.

Xaaladda Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana isugu darsamay khilaafka doorashada oo aan xal loo helin iyo go’aanka ay qaateen Isimada Dhaqanka ee SSC.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana arriman ay kusoo aadayaan xilli lagu soo dhowaanaya maalinta doorashada oo ah siddeeda bisha Janaayo ee 2024-ka.