Qarax lagu weeraray ciidamo ka tirsan AMISOM oo lacag loogu…

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaraxa culus ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose, kaasi oo lagu weeraray Saldhig halkaasi ay ka degan yihiin ciidamada AMISOM.

Qaraxa ayaa waxa ay Kooxo hubeysnaa ku weerareen Saldhiga Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Xarunta Minishiibiyada ee Magaalada Marka ee Gobolka Sh/Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro lixaad leh.

Qaraxa ayaa waxa uu dhacay xili cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM Saldhigaasi loogu qeybinaayay lacago guno ah waxa ayna ooda ka qaaden rasaas.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Qaraxa uu khasaaro xoogan ka dhashay islamarkaana ay ciidamada AMISOM Qaraxa kadib gudaha usoo galeen xaafadaha.

Guud ahaan waxyeelada khasaaraha ayaa la sheegay inay u dhexeyso labo ilaa afar, waxaana iminka halkaasi ka socda baaritaano.
Taliska AMISOM ee G/Sh/Hoose ayaan wali ka hadal Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com