Shirka Madasha oo maanta lagu soo xiraayo magaalada Baydhabo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta oo Jimco ah kuna beegan 24 June 2016-ka lagu wadaa in magaalada Baydhabo lagu soo xiro shirka madasha wadatashiga Qaran ee labadii maalin lasoo dhaafay ka socday halkaasi.

Shirkaani oo aan wali ka dhalan wax khilaaf ah ayaa waxaa looga hadlayaa Doorashooyinka sanadkan la filayo in ay dalka ka dhacaan, arimaha amaanka, Isbedelka Dastuurka, Qoondada Haweenka dowladda la dhisayo ay ku leeyihiin iyo arimo kale oo muhiim ah.

Shirka oo intiisa badan looga gudbay waxyaabihii khuseeya ayaa waxaa la filayaa in maanta laga soo saaro war-murtiyadeed ku saabsan isfahanka iyo wixii lagu heshiiyay.

Shirkaani ayaa noqon doona kii ugu danbeeyay oo ay yeeshaan madaxda Qaranka waxaana isla maanta lagu wadaa in madaxdaasi ay dib ugu laabtaan halkii ay ka imaaden.

DFS ayaa wali ku adkeysaneysa in doorashada dalka ay qabaneyso xiligeeda, walow aan wali la qaban howlihii muujin lahaa doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com