Gallan oo ku hanjabay in daaraha C/W Gaas uu dhulka dihagayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobolka Bari ee Puntland C/samada Maxamed Cali Gallan, ayaa ku goodiyay inuu dhulka dhigi doono daaraha ku yaala Gaalkacyo iyo xarumaha maamulka hadii ay ciidamada C/wali Gaas kusii dhiiradaan weerarada ay ku hayaan.

Gallan, ayaa sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay ka go’an tahay inay la xisaabtamaan C/wali Gaas oo uu ku sifeeyay inuu yahya mid la degay maamulka, cadaalada iyo dhaqaalaha Puntland.

Gallan, waxa uu sheegay in isaga iyo ciidamadiisa ay duulaan ku yihiin Degaanada uu ka arimiyo Maamulka Puntland.

C/samada waxuu tilmaamay in Maamulka Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas uu dhibaato ku hayo Shacabka ku dhaqan Degaanka Puntland, isagoo qeexay in dhac, boob iyo jirdil la isugu daray Shacabka reer Puntland.

C/wali Gaas ayuu sheegay inuu u bareeray Boobka waxa uuna tusaale usoo qaatay warshad uu sheegay in Gaas uu kala imaaday dalka dibadiisa si loogu sameeyo lacago been abuur ah oo lagu dhaco Shacabka, sida uu hadalka u dhigay xili uu u waramaayay Idaacada SMN ee ka howlgasho magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Mr C/samad ayaa wacad ku maray in duulaankiisa uu caqabad ku noqon doono C/wali Gaas, waxa uuna cadeeyay in shaqsi ahaantiisa uusan duulaan ku aheyn dhacabka balse uu iyaga badbaadinaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com