Xubn lagu kordhiyey aqalka sare ee Somalia lana siinayo beelaha…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowlada, Maamul Goboleedyada iyo xubnaha Beesha Caalamka ka jooga shirka Madasha ayaa isku raacay in Aqalka Sare ee dalka 2 xubnood laga siiyo Beelaha Banaadiriga.

Waxa ay xubnaha Madasha isla garteen in la kordhiyo tirada Xubnaha oo horay u aheyd 54 islamarkaana laga dhigo 56-xubnood.

Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jaylaani Nuur Ikar, ayaa sheegay in Beelaha Banaadiriga loo ogolaaday 2-xubnood waxa uuna sheegay in sidaa aawgeed ay tirro kordhin ku sameeyen xubnaha guud.

Jaylaani Nuur Ikar, waxa uu sheegay in inta badan qodobadii horyiilay Madasha xal laga gaaray, balse ay dhiman yihiin keliya hal iyo laba qodob iwm.

Hoggaamiyayaasha maamulada dalka ayaa horay u qaadacay in la kordhiyo tirada Aqalka Sare, balse waxaa iminka laga maarmi’waayay in Aqalka sare wax laga siiyo Beelaha Banaadiriga.

Dhanka kale, Madaxweynaha, Ra’isul wasaaraha iyo maamulada dalka ayaan wali ka hadal tirro kordhinta iyo Banaadiriga wax laga siiyay Aqalka sare.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com