Arrag Sawir murugo leh oo laga sameeyay xasuuqa ka jira Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu miisaaliyay Xasuuqa ba’an ay Dowlada Kenya kawado Gobolka Gedo iyo deegaano dhowr ah oo Gobolka hoostago.

Sawirkaani ayaa waxa uu marqaati u yahay xisaabtan la’aanta Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh iyo garasho xumida Dowlada Kenya oo iyadu duqeyn aan natiijo laheyn la dul taagan shacabka Gedo.

Xasuuqa ay diyaaradah Kenya kawadaan Gobolka Gedo ayaa waxaa durbaanka u garaaca Dowlada Madaxweyne Xassan Sheekh oo aad moodo inay ku qanacsan tahay.
GGD