Cabdi-Waal oo iska fogeeyay ku luglahaanshaha xariga ugaaska

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Nuure Siyaad oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Dhexe ayaa iska fogeeyay ku luglahaanshiyaha Xariga Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur.

Cabdi-waal waxa uu sheegay in xariga Ugaaska uu yahay mid uusan waxba kala socon balse laga yaabo in Ugaaska uu u xiran yahay maamulka.

Cabdi-waal waxa uu intaa raaciyay in maqal ahaan uu ku helay in Ugaaska Beesha Cayr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur aan xabsi weyn la geyn balse lageeyay Saldhig si wax looga weydiiyo kiis lagu heystay.

Cabdi-waal ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Guriceel looga baahan yahay in Ugaaska ay siidaayan ama ay cadeeyaan sababta ay u xirteen.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi-waal ayaa ka digay in si xun loola dhaqmo Nabadoonada, Ugaasyada iyo waxgaradka dalka, isaga oo tilmaamay inaanu lamid aheyn kuwa kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com