24.6 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Sawirro cadeyn u ah xasuuqii ay Kenya ka geysatay gobolka Gedo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Goobaha caafimaadka ee ku yaalla Gobolka Gedo ayaa waxaa wali ku jira carruur aad u yaryar oo kamid ahaa kuwii ku waxyeeloobmay duqeyntii ugu danbeysay ay Dowlada Kenya ka fulisay Gedo.

Carruurtaani oo ku dhow afar ayaa waxa ay dhaawac la yaalan xarumaha caafimaadka Gedo, waxaana wali ka hadal dhaawacooda Dowlada Somalia oo ay mas’uuliyad ka saaran tahay iyo Dowlada Kenya oo si ula kac ah u geysatay falkaasi.

Sida aan horayba u sheegnay Carruurtani ayaa waxaa duqeynta kasoo gaaray dhaawacyo culus oo aan waxba laga qaban karin qaarkood kuwaasi oo u baahan caafimaad dibadda ah, hase yeeshee waxaa nasiib darro ah in Dowladii mas’uulka ka aheyd aysan wali ka hadal.

Dowlada Kenya ayaa safka hore kaga jirta dowladaha gumaadka ku haya Umadda Soomaaliyeed, waxa ayna mar waliba duqeymo ka fulisaa deegaano hoostaga Gobolka Gedo.
1

2

3

4

5

- Advertisement -

Read more

Local News