Xog: Ciidamo ka goostay C/Weli Gaas oo ku biiray garabka Gallan

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Carmo, ayaa sheegaya in ciidamo ka goostay maamulka C/wali Gaas ee Puntland ay gaaren deegaankaasi kuwaasi oo ku biiray ciidamo uu wato Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Ciidamadaani ku biiray kuwa uu wato Gallan, ayaa la sheegay inay ka gadoodsan yihiin Madaxweynaha maamulka waxa ayna dagaalka socda ku kabayaan Siyaasi Gallan oo si cad kaga soo horjeeda Siyaasada C/wali Gaas.

Ciidamadaani ayaa tirro ahaan la sheegay inay dhanyihiin Toban iyo koow, kuwaasi oo gabi ahaan ku heeb ah Mr. Gallan.

Gallan, ayaa sheegay inaanu joojin doonin dagaalka uu kula jiro maamulka C/wali Gaas, waxa uuna ka shanqariyay in dhammaan deegaanada Puntland uu gaarsiin doono cadaalada, sinaanta iyo maamul wanaaga.

Sidoo kale, Gallan ayaa maamulka ugu baaqay inay u hogaansamaan cadaalada, haddii taasi la waayana uu san-dullo ku bari doono.

Dhanka kale, Colaada iminka u dhexeysa maamulka Puntland iyo Mr C/samad Gallan, ayaa waxaa qeyb ka ah Ganacsato, Siyaasiyiin iyo Odayaal ku heeb ah Gallan kuwaasi oo ka tabanaaya cadaalad darro ka socta xarumaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com