Guddigii doorashada oo laga saaray 9 xubnood + Aqri magacyada guddiga cusub

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxda Madasha Qaran ee shirku uga socdo magaalada Baydhaba ayaa isku raacay in isbedel lagu sameeyo guddiga Doorashada heer Federaal ee dhowaan uu magcabaay Madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo ka koobnaa 22 xubnood kadib markii buuq fara badan ka dhashay xubnaha ku jira oo lagu ceebeeyay inay wasiiro ka mid yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamulada dalka ayaa isku raacay in Guddiga doorashada laga saaro dhammaan wasiirada kasoo jeeda dowladda dhexe iyo kuwa maamulada dalka oo dhamaa 13 wasiir, taasoo Guddiga ku soo koobtay 13 xubnood oo kaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo xigtay inuu garwaaqsaday khaladkii ay ku dhaceen isaga iyo madaxda maamul Goboleedyada, wuxuuna sheegay in Guddiga Dorashada ay isku raaceen in siyaasiyiinta laga reebo, ooo guddiga intiisa kale uu shaqeeyo si loo kasbado kalsoonida shacabka, loona abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal.

Arrintan ayaa wararku sheegayaan in wakiilada Beesha Caalanka ay codkooda ku biiriyeen kulana taliyeen madaxda madasha in Guddiga Doorashada aanay ka mid noqon siyaasiyiin xil doon ah ama siyaasi kale taageersan.

MAGACYADA GUDDIGA CUSUB

Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan

Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.

Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan Jubbaland

Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan Puntland

Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed

Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug

Axmed Maxamed Siciid, Somaliland

Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland

Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan

Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan

Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan

Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan

Barlin Cadami , Aqoonyahan

WASIIRADA LAGA SAARAY GUDDIGA DOORASHADA

Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha

Maxamed Jaamac Mursal, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiirka Dastuurka

Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir haweenka & Xuquuqda insaanka

Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir Warfaafinta

C/weli XErsi Cabdulle, Wasiir Puntland

Aadam Ibraahim Aw-xersi , Wasiir Jubaland

Cabdiraxmaan Aadan Sate , Wasiir Koonfur Galbeed

Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com