Diidmadii beesha Xawaadle oo ku soo idlaatay Ethiopia iyo IGAD

Beledweyne (Caasimada Online) – IGAD iyo dowladda Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kadib markii isku daygii ugu danbeeyay ee dowladda Federaalka Soomaaliya uu fashilmay.

IGAD oo uu hormuud u yahay Wakiilkeeda Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey iyo Generaal Gabre ayaa dowladda Soomaaliya kala wareegay dhismaha maamul goboleedka ka haray maamulada dalka, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ka socday kulamo odayaasha dhaqanka la yeelanayaan Gen. Gabre oo noqday ninka ugu weyn ee howshaasi hogaaminaya.

Wafdi uu Hoggaaminayo Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afay oo ay la socdaan markii ugu horeysay xubno ka tirssan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Jen Gabre ayaa shalay tegay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo kulan dheer la qaatay qaatay la yeeshay ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Kulanka kadib ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen Maxamed Afeey iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif waxay sheegeen in shirkoodu mira dhal ahaa, isla markaana ay ka wadahadleen sidii loo dhaqaajin lahaa dhismaha dowlad gobolleedka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Danjire Afey ayaa ujeedka safarkooda ku sheegay inay doonayaan in Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe aanay ka harin maamulada dalka loo sameynayo, wuxuuna rajo fiican ka muujiyay in is afgarad ku dhammaan doonaan wadahadalka.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa isna sheegay in wafdiga ay arrimo badan isku afgarteen, isla markaana waqti kale loo balamay arrimaha harsan.

Ugaas Xasan oo ugu weynaa duubabka ka horjeeda isku darka labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, isla markaana shuruudo adag kala hor tegay madaxda dowladda Federaalka ayaa u muuqaday qof raali ka ah faragelinta IGAD.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com