Uganda oo shaacisay in Somalia ay ciidamadeeda kala baxeyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ugandha ayaa daboolka ka qaaday xiliga ay ciidamadeeda kala bixi doonto dalka Somalia.

Jeneral Katumba Wamala oo ah Madaxa ciidamada Uganda, ayaa sheegay in Uganda ay go’aan ku gaartay inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, bisha December ee sanadka 2017.

Jeneral Katumba Wamala, ayaa sheegay in la joogo xiliga ay ciidamada Somalia la wareegi lahaayen guud ahaan amaanka Somalia, taasi oo uu sabab uga dhigay dib ula baxa ciidamadooda.

Jeneral Katumba Wamala, waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowlada Ugandha ay isla fahantay xiliga ciidamada laga soo saarayo Somalia.

Jeneral Wamala waxa uu sheegay in xataa ay ka baxayaan Soomaaliya ka hor bisha December 2017, hadii la helo dal kale oo bedela.

Dowladda Uganda ayaa goor sii horeysay ku dhawaaqday in ciidamadeeda ay kala bixi doonto Somalia balse Afhayeen u hadlay ayaa beeniyay inay si toos ah ula baxayaan ciidankooda.

Uganda ayaa ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee AMISOM ee taageera dowladda Soomaaliya.

Lama oga in Ugandha ay ka dhabeyn doonto go’aankeeda iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com