Xog: Maxaa laga filayaa shirka madasha qaran ee Baydhaba?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay Shirka madasha wadatashiga qaran ee ka socda magaalada Baydhabo iyadoo laga wada doodaayo hannaanka doorashada ee sanadkani 2016-ka.

Shirkaani ayaa waxaa maalintii shalay aheyd magaalada Baydhabo ka furay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, waxaana xal loogu raadinayaa wadada lagu gaari lahaa doorasho aan khilaaf ka dhalan.

Madaxda Soomaalida ee ku shirsan Magaalada Baydhabo ayaa isla gorfeynaya qodobada qaar ee lagu saleynayo Doorashada dalka iyo waqtiga rasmiga ah ay ku beegantahay.

Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale Beesha Caalamka u cadeeyay in Guddiyada Farsamada Doorashooyinka aysan ku jiri doonin siyaasiyiin.

Xassan Sheekh oo sidoo kale ka hadlaayay ahmiyada ay leedahay doorashada ayaa waxa uu yiri “Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah. Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu talagaley’’.

Wakiilka QM ee Soomaaliya Michael Keating, oo shirkii maanta isna ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan horumarka ay sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada shacabka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in Shirkaan uu yahay kii ugu dambeeyay islamarkaana looga arrinsanayo doorashada Soomaaliya.

Dowladu waxa ay sheegtay in shirka laga filankaro guul iyo wax wada qeybsi waxa ayna rajo ka muujisay War-murtiyadeedka kasoo bixi doono.

Shirkaani ayaa ka duwan kuwii hore waxaana madasha ka maqan khilaafyadii horay u dhexmari jiray madaxda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com