DAGAAL ka socda Puntland iyo ciidamada Galan oo Gaadiid ka gubay ciidamada maamulka

Garoowe (Caasimada Online)-Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka socdaa duleedka Degmada Carmo ee Gobolka Bari kadib markii ciidamada Puntland ay weerar ku qaaden deegaano ay ku sugnaayen ciidamo uu watay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Galan.

Dagaalka ay ciidamada Puntland ku qaaden deegaankaasi ayaa waxa uu ujeedkiisu ahaa inay kusoo qabtaan Siyaasiga C/samad Galan oo xiligaani dagaal kala soo horjeeda maamulka Puntland.

Dagaalka labada ciidan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro lixaad leh, iyadoo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Galan uu warbaahinta u sheegay in ciidamada Puntland ay ka gubeen Gaari dagaal.

C/samad maxamed Galan oo ku sugan deegaan duleedka ka ah degmada Carmo ayaa hadalkiisa intaa kusii daray in ciidamadiisa ay dileen kuwo ka tirsan Puntland waxa uuna cod dheer ku sheegay inay gali doonaan gudaha Puntland.

Waxa uu sheegay C/samad maxamed Galan in maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland isagoo tilmaamay in ay ka gubeen ciidanka Puntland Hal Gaari sidoo kalena ay dagaalkaasi ku dhaawaceen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Xaalada degmada Carmo ayaa iminka qasan waxaana Degmadaasi labada dhinac ka jooga ciidamada C/samad Galan iyo kuwa Puntland.

Dhanka kale, waxaan dagaalka ka hadal maamulka Puntland waxaana cabsi laga qabaa in dagaalka uu noqdo mid kusii faafa deegaano kale.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com