Xog: Axmed Madoobe oo shirka Baydhabo ku fadeexeeyay RW CC

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka deyriyay Siyaasada ay wax ku hageyso Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kadib markii uu ku eedeeyay inay ka gaabineyso howlo badan oo loo igmaday.

Axmed Madoobe ayaa shirka ka sheegay in isbedel uu ku imaaday Siyaasada dalka, balse ay wax ka dhiman yihiin howlaha xukuumada oo uu sheegay inaan u qabsoomin sida loogu tallo galay.

Axmed Madoobe ayaa hadalkaani ka sheegay kulamada ka socda magaalada Baydhabo waxa uuna si kaftan ah u sheegay in Ra’isul wasaare Cumar uu isbedelo ka hor inta aan dhicin doorashada dalka.

Axmed Madoobe waxa uu cadeeyay in Ra’isul wasaaraha dalka uu gabagabada wakhtigiisa lasoo baxay howl yari balse waxa uu ku baaqay in dib uu usoo nooleeyo firfircoonida.

Madoobe waxa uu tilmaamay in farqi weyn uu u dhexeeyo siyaasadii hore iyo tan iminka ka jirta Somalia, balse aan jirin dhiirigalintii laga filaayay DF iyo Beesha Caalamka.

Sharmaarke ayaa dhankiisa ka sheegay in isbedel uu yahay mid imaada gelinka danbe waxa uuna si kaftan ah u sheegay in mudada u harsan uu kusoo dhameyn doono dhammaan howlaha u harsan.

Geesta kale, kaftan Siyaasadeeda labada mas’uul ayaa u muuqda mid ay kusoo lamaan tahay dibin-daabo siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com