Xog: C/Weli Gaas oo Odayaasha beeshiisa u adeegsanaya Gallan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa bilaabay in Odayaasha ku lafta ah uu u adeegsado Siyaasiga dagaalka kaga dhawaaqay qeybo kamid ah Gobolka Barri.

Gaas ayaa Odayaashaasi ergo ahaan ugu diray Cabdisamada Gallan oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Puntland, isaga oo ku andacoonaaya in Puntland ay ka weecatay cadaalada, sinaanta.

Odayaashaani ayaa tirro ahaan la sheegay inay gaarayaan Lix Oday oo ku heeb ah C/wali Gaas, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Cabdisamad Gallan oo ahaa Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Bari ka biya diiday inuu qaabilo Odayaasha ka socda dhanka C/wali Gaas.

C/wali Gaas ayaa cabsi ka qaba in Siyaasiga Cabdisamad Gallan iyo ciidamo gaar ah oo uu wato ay carqaladeeyaan amaanka iyo xasiloonida maamulka waxa uuna Gaas xalinta xiisadaasi u adeegsanayaa Odayaal dhaqmeedka.

Cabdisamad Gallan iyo ciidankiisa ayaa la wareegay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka bari waxaana kamid ah deegaanada Belidhidin , Kalabeyr iyo deegaano kale.

Ergada uu dirsaday C/wali Gaas, ayaa wada dadaalo ay xal ku raadinayaan waxa ayna wada hadal la fureen lafta uu kasoo jeedo Cabdisamad Gallan si ay ula hadlaan wiilkooda.

Lama oga in Ergadaani ay guul kasoo hoyin doonaan howsha uu u wakiishay C/wali Gaas inkaastoo Cabdisamad Gallan uu ku gacanseeray in ergadaasi uu kala halo arrinta khilaafka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com