Xog: Barre Hiiraale oo 3 qodob ka codsaday Mareykanka (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Col. Barre Hiiraale oo maalmahaani danbe ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa rajo beel kala kulmay Saraakiisha Dowlada Mareykanka ka jooga Nairobi kuwaasi oo Barre kala hadlaayay ciidamadiisa ee ku jira gacanta ethiopia.

Barre oo ay xaajadu ku xun tahay ayaa Saraakiisha kala kulmay deyr kadib markii ay u cadeeyen in mowqifkoodu yahay in ciidamadiisa ay kusii jiraan gacanta ciidamada ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM.

Saraakiisha ayaa u sheegtay Barre in ciidamadaasi ay laf-dhabar u ahaayen dhibta ka taagneyd deegaanada Jubbaland, sidaa aawgeedna aysan kusoo celin doonin gacantiisa.

Barre oo ka duulaaya go’aanka diidmada ah ee uu kala kulmay Saraakiisha ayaa waxa uu hordhigay ilaa 3 qodob oo uu ku xasili karo waxaana kamid ah:-

1- In ciidamadaasi aan lagu wareejin karin maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe.

2- Inaan laga qaadin Hubka ay wataan maadaamada hubkaasi uu yahay mid milkidiisa ah.

3- In wax waliba oo khuseeya arrimaha ciidamadiisa aan lala baal-marin islamarkaana loo aqoonsado in shaqsi ahaantiisa uu ra’yi ku biirin karo howlaha lagu hormarinaayo ciidamadiisa.

Barre Hiiraale, ayaa sidoo kale Saraakiisha ka dalbaday inay la socdaan xaalada dhabta ah ee ciidamadiisa, isaga oo ku celcelshay inuusan raali ka aheyn in ciidamadiisa lagu wareejiyo Jubbaland.

Geesta kale, kulanka Barre Hiiraale iyo Saraakiisha Mareykanka ka jooga ku dhexmaray dhismaha Safaarada ay ku leeyihiin dalka Kenya ayaa kusoo idlaaday natiijo la’aan kadib markii dhagihiisa lagu dhibciyay in ujeedka loogu yeeray uusan aheyn in ra’yi uu ku lahaado shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com