Keating oo madaxda Soomaalida ku ceebeestay shirka Badhaba.!!

Baydhaba (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay shirka maalinimadii shalay ka furmar magaalada Baydhabo, kaasi oo ay ka qeybgaleen Madaxda DF, Maamul Goboleedyada iyo diblumaasiyiinta caalamka ka joogta Somalia.

Michael Keating, ayaa sheegay in shirka madasha ee ka furmay magaalada Baydhabo uu yahay mid caalamka uu il gaar ah ku hayo, madaxda Soomaalidana looga baahan yahay in arrimahooda gaarka ah ku xashtaan.

Michael Keating, waxa uu arrin fool-xun ku sheegay in Soomaalida dhexdeeda ay ku heshiin weyso siyaasada balse waxa uu iminka shirka Baydhabo ku sifeeyay mid dhexel-gal u noqon doona Somalia.

Madaxda shirka ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay isku calool furnaadaan, maadaama uu yahay shirkii ugu danbeeyay oo leysku arki doono.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayuu kaga digay inuu ku dheelo howlaha kale ee horyaal DF, marka laga soo tago shirka ka socda Baydhabo.

“Xassan Sheekh waxaan uga fadhinaa inuu ka dhabeeyo fulinta heshiisyadii aan wada gaarnay, Dowladu waa inay la imaadaa howl-karnimo si ay guul ugu soo dhamaato inta u harsan”.

Haddalka Michael Keating ayaa guubaabo u ah shirka iminka madaxda dalka uga socda magaalada Baydhaba waxa uuna u ololeynayaa inaan la dib dhigin shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com