Xog: Xasan oo amray in warqado xasaasi ah lagu wareejiyo IGAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegayaa in amar uu duldhigay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia Cabdiraxmaan Odawaa.

Madaxweyne Xassan ayaa Odawaa ku amray in dhammaan dukumiintiyada la xiriira shirka Jowhar ku wareejiyo IGAD, si howshaasi ay ula wareegto IGAD.

Xassan Sheekh waxa uu Mr Odawaa u sheegay in Wasaarada arrimaha gudaha ay ku fashilantay siyaasada shirka maamulka loogu dhisaayo Hiiraan iyo Sh/Dhexe, sidaa aawgeedna shirkaasi lagu wareejiyo IGAD.

Xassan waxa uu sidoo kale, Odawaa u sheegay in khaladaadka ka dhaca shirka aysan Wasaaradu lahaan doonin balse lagula xisaabtami doono IGAD, waxa uuna intaa raaciay in Wasaarada looga baahan yahay keliya in dusha sare ay kala socto shirka.

Dhanka kale, Madxaweyne Xassan ayaa la sheegayaa in heshiis gaar ah uu la galay IGAD si shirkaasi aan loogu duudsan qorshihiisa siyaasadeed.

Lama oga in IGAD ay ku fashilmi doonto shirka buuqa uu ka dhashay iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com