Xog: Xasan iyo Gaas oo ku dhex xifaaltamaya shirka Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad galay shirka ka socda magaalada Baydhabo kaasi oo looga hadlaayo arrimo xasaasi ah oo ku qotoma doorashada la filaayo in gudaha sanadkaani ay ka dhacdo Somalia.

Shirka ayaa waxaa si hordhac ah khudbado uga jeediyay Madaxweyne Xassan iyo Madaxda kale ee maamulada dalka waxaana khudbooyinka qaar laga dheehankaray xurguf Siyaasadeed.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa inta uu ku guda jiray khudbadiisa sheegay in wali ay jiraan maamulo Dowlada Federaalka wax ka tabanaaya balse looga baahan yahay inay ka tanaasulaan waxyaabihii dhaliyay muran siyaasadeedkii laga soo tagay.

Xassan Sheekh oo kaftamaaya ayaa sheegay Cabdiwali Gaas looga fadhiyo inuu sameeyo tanaasulo haddii ay suuragasho in dalka uu ka qabto xilal kale waxa uuna cod dheer ku sheegay in Puntland ay wax la qeybsato maamulada kale ee dalka ka jira.

Puntland ayuu sheegay in gooni ay isaga faquuqdo maamulada kale, balse marka la’eego sharciga dalka ay DFS u siman yihiin dhammaan maamulada.

Cabdiwali Gaas ayaa dhankiisa ka sheegay in DFS ay u janjeerto dhanka xoojin la’aanta axdiga iyo balamaha siyaasadeed waxa uuna carab dhabay in Xassan Sheekh qudhiisa laga doonaayo in uu wax kabarto balamaha.

Gaas waxa uu sheegay in siyaasada dowlada ay kasoo wanaagsanaaneyso sidii hore, balse uu wali dhaliil ka muujinaayo siyaasada qarsoon ee Xassan Sheekh.

Gaas waxa uu Xassan Sheekh ku dhiiragaliyay in daacad uu u noqdo sharciga iyo axdiga.

Khudbooyinka labada mas’uul iyo kaftan siyaasadeedkooda ayaa u muuqda mid wali lagu muujinaayo xurguf siyaasadeedka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com