25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Qarax lala eegtay dad Masoomayaal ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo(Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay maqaayad ku taala degmada Beledxaawo.

Sida ay baahisay Idaacada Kulmiye oo kamid ah idaacadaha Muqdisho qaraxaasi ayaa lala eegtay dad masoomayaal ahaa ooku sugnaa maqaayada ku taala degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wararka ku aadan qasaaraha ka dhashay qaraxaasi ayaa sheegaya in ku dhawaad 4 ruux ay ku dhinteen qaraxa oo aan la sheegin nooca uu ahaa.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay qaraxa lala eegtay dadka lagu sheegay inay ahaayeen masoomayaal.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo ayaa sheegay inay wadaan baritaano iyo tiro koobka dadka ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxaasi, saxaafadana ay dib faahfaahin kasiin doonaan.

Amaanka degmada Beledxaawo ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeynayay, maadaama marar badan ay dagaalo ka dhaceen.

Lamana oga sababta ka dambeysay arintaasi.

 Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gedo

Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News