25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar horudhac ah, oo qaraxan kasoo baxay, ayaa sheegaya inuu ahaa baabuur uu sarnaa sarkaal sare, oo aan weli la aqoonsan, oo la qarxiyey.

Sarkaalka la qarxiyey ayaa la sheegay in qaraxa loogu xiray baabuurkiisa, kadibna meel fog looga qarxiyey hage.

Qaraxan ayaa imanaya maalin kadib markii qarax dad badan ay ku dhinteen uu ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee isla magaalada Muqdisho.

Faahfaahin naga filo dhowaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News