Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo ka dhacay Degaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.
Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa waxa uu yahay Dheyne ama baabuurta waa weyn ee xamuulka qaada, waxaana jugta Qaraxa laga maqlay degaanada ku dhow halka uu Qaraxa ka dhacay.
Gaariga Qarxay ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciimada Dowladda Federaalka, xilliga uu Qarxayay Parking ayuu ku jiray.
Dadka degaanka ayaa inoo sheegay in Qaraxa ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof, islamarkaana ay sideed kale ku dhaawacmeen.
“Gaariga Qarxay nuuciisa waa Dhayne oo aan gacanta ku dhignay, baaritaano dheeraad ah ayaa ku socday, wuu Qarxay dad shacab ah ayay waxyeelo ka soo gaartay” sidaas waxaa yiri sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

