Qarax Xooggan oo loo adeegsaday Baabuur oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka hadda soo gaaray xafiiska warqabadka Caasimadda Online ayaa sheegayo inuu goor dhaw qarax weyn la dhacay Magaalada Muqdisho.

Sida wararka sheegayaan qaraxaan ayaa ka dhacay meel u dhaw warshadda Nacnac ee degmada Wadajir oo ay saldhig iyo xerooyin tababar ku leeyihiin ciidamada Xoogga kuwaas oo shalay banaan bax weyn ka sameeyey Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid loo adeegsaday baabuur walxaha qaraxa laga soo buuxiyey waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Dhawaaqa qaraxaan ayaa laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho welina ma jirto faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxday.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay goob Koontarool ah oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Federalka Somaliya, waxaana isku qarxiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Somaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay ciidamada dowladda ee goobtaasi Koontarool ah ku sugnaa.

Wararka waxa ay sheegayaan gaarigaan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay inuu ka yimid dhanka Gobolka Shabellaha hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com