Qarax xooggan oo xalay ka dhacay dekedda DUBAI

Dubai (Caasimada Online) – Markab ku xirnaa dekedda magaalada Dubai, oo mid ka mid ah dekedaha ugu weyn caalamka, ayaa waxaa xalay ka dhacay qarax xooggan oo sababay dab qabsaday qeybo ka mid ah dekeedda.

Qaraxa ayaa sababay holac xooggan oo laga arkayey hawada sare ee qeybo ka mid ah magaalada, hase yeeshee mas’uuliyiinta ayaa hadda sheegaya inay xaaladda gacanta ku hayaan oo ay xakameeyeen.

“Dab ka dhashay qarax ka dhacay mid ka mid ah konteenarada saarnaa markab ku xirnaa dekedda Jabel Ali ayaa la xakameeyey. Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay,” waxaa sidaas barta twitter-ka soo dhigay xafiiska warbaahinta Dubai ee Dubai Media Office (DMO).

Qarax ayaa ruxay dhismooyinka badan oo magaalada ka mid ah, waxaana soo daatay daaqadaha guryaha qaarkood, ayada oo saameynta ay gaartay illaa 25km meelo ka baxsan dekedda. 

Ganacsi ahaan ka sokow, dekeddan ayaa sidoo kale waxaa inta badan kusoo xirta maraakiibta dagaalka Mareykanka. 

Ma cadda xaddiga waxyeelada uu dekedda gaarsiiyey qaraxa. Sidoo kale ma cadda waxa sabab qaraxa, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay koronto.

Saraakiisha dekedda ayaa sheegay inay qaadayaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si howlaha dekedda ay usii socdaan. 

Mona al-Marri, oo ahaa agaasimaha Dubai Media Offica ayaa sheetay in markabka uu xiranayey markii uu qaraxa uu dhacay. 

Dekedda Jabel Ali oo ku taalla waqooyiga Dubai ayaa ah tan ugu weyn caalamka waxayna u adeegtaaa dalalka Asia iyo Afrika badankood.