Qaraxii Zoobe oo shaaca ka qaaday weji Soomaalida aysan ka aqoon Keating

Muqdisho (Caasimada Online) – Musiibadii ka dhacday Soobe waxa ay bannaanka soo dhigtay hagar-damaada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed shakhsiyaad shisheeye iyo kuwo gudaha ah, dowlado iyo hay’ado caalami ah.

Shakhsiyaadka kashifmay waxaa kamid ah Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Michael Keating oo tan iyo markii ay dhacday musiibadu ay iswaydiinaayaan shacabka Soomaaliyeed kaalinta la rabay in uu ka qaato xafiiskiisu howlaha gurmadka dadka rayidka ah ee musiibadu ay ku habsatay.

Keating oo inta badan soo fara galiya arrimaha siyaasadda dalka iskuna daya in uu ajandayaal shisheeye ku khasbo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wax la taaban karo u qaban dhaawacyadii boqolaalka ahaa ee Soobe.

Diyaaradaha Turkiga, Jabuuti, Kenya iyo Qatar ayaa daabulay dhaawacyada halka kuwa qaramada midoobey ay iskaga xereeysanaayeen garoonada Aadan Cadde iyo kuwa dalka Kenya iyadoo loogu tala galay diyaaradahaas in ay u adeegaan bulshada rayidka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu ka gaabiyey Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in uu baaq u diro beesha caalamka si ay uga qayb qaataan gurmadka musiibadii dhacday taas oo ah arrin sii kordhinaaya shakiga ku aaddan in uu ku faraxsanyahay Keating hanjabka lala doonaayey dowladdnimada Soomaaliya.

Xafiiska Mr. Keating shaqadiisu ma waxa ay noqotay in la carqaladeeyo qorshayaasha dib u kabashada Soomaaliya iyadoo lagu jahwareerinaayo arrimo aan macno u lahayn bulshada Soomaaliya?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com