Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Xarunta Degmadaasi lagu weeraray Qaraxyo is xigxigay.
Weerarka Qaraxyada ah ayaa waxaa lasoo warinayaa inay geysteen Kooxo hubeysnaa kuwaasi oo muddo 15 daqiiqo ah qalqal galiyay amaanka xarunta Degmada.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Qaraxyada kadib ay Ciidamada xarunta ooda ka qaaden rasaas ay isaga difaacayeen Kooxaha weerarka Qaraxyada ah soo qaaday.
Kooxaha Qaraxyada ku weeraray Xarunta Degmada Kaxda ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga carareen, iyaga oo gaaray dantii ay lahaayen.
Dhinaca kale, waxaan ilaa iyo hadda la cadeyn khasaaraha ka dhashay Qaraxyada, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in khasaaro xoogan uu Qaraxa ka dhashay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]