DOORASHADA 4.5 ama degmooyin iyo saansaan colaadeed oo soo muuqata (Xog iyo Gorfeyn)..!!!

HORDHAC

Soomaaliya sida aad wada ogtihiin waxay xoriyadda qaadatay 1960, xoriyaddaa waxaa keenay oo dhaliyay saddex iyo toban dhalinyaro ah (13 dhalinyaro ah); kuwaas oo ka soo kala jeeday qabaail iyo reero kala duwan iyo deegaamo kala geddisan.

Waxaa isu keenay soomalinimo iyaga oo ka dhiidhiyey gumeysigii dulleysanayey dadkooda, miiranaayey miida kheyraadka dhulkooda, kuna tacadiyayey diintooda iyo dhaqankooda islaamka ah.

Dhalintaa 13ka ah, wax dhaqaale ah ma haysan; xiligoodana dhaqaale ay bulshadu haysatey oo saa u weeyna maba jirin, xataa dadka badankiisu waaba kaba la’aa. Dhalinta maanta kuwaas aad bey uga fursad wax barasho badanyihiin, uga dhaqdhaqaaq sahlan yihiin oo meeshii ay doonaan bey ilbidhiqsi ku gaadhayaan; sidoo kale qoraaladoodu si aan caadi ahay bey durba meel kasta oo adduunka ka mid ah ku gaadhi karaan; waxaadse moodaa in ay kaalitooda gabeen aragti gaabni awgeed, waxa keliya ey ku fakiraan waa xaaladda jifidooda qabyaalad ahaan, xataa fakirkoodu wuu ka hoos maray kii qabiilka.

Dhalintaa SYL ee 13ka ahaa, waxay ka guuleysteen oo ka xoroobeen arimaha soo socda:

  • Qabyaalad iyo goboleysi
  • Dad soomaliyeed oo gumeysiga u adeega oo dan raqiis ah uu ku hoday.
  • Isticmaar awood weyn lahaa marka xaaladdooda loo fiirsho ama loo eego.

Yaaney taariikhdu ila tegin; ninkii rabaa buugaagta taariikhda iyo qoraalada laga qoray ayuu dib u dheehan karaa; hase yeeshee, dhalintaasi waxay ku guuleysteen in aan hello xoriyaddeenii iyo isku duubnaan somaalinimo, waana sidey rabeen dheefkalena mey sugeyn aan taa ahayn.

Markii aan dowlad ku meel gaadh ah helay 1954tii (Dakhiliyadii), iyagu waxba kama faaiidin mana sugeyn in ay hanti ku helaan arintaas, haddaad dib u eegtana xataa badankoodu hooy ay hadhsadaan kumay lahayn dalka, kiro iyo guryo dhaxal aweewe ah ayey ku noolaayeen, hammi xaaraan doon iyo hanti umadeed oo la boobaa kuma jirin qalbigooda iyo hammigoodaba.

Durba, waxaa siyaasaddii badanaa hormuud ka noqday kuwii gumeystuhu rabbeystay; kuwaas oo abuuray xaalado ay danahooda keliya ku fushadaan dadkiina shaki iyo qabyaalad ku dhex abuuraan, dad yar oo aragti dheera markiiba arimahaas wey ka digeen sida:

  • ALLE ha u naxariistee Xaji Moxamed Xuseen; oo ka mid ahaa 13kaa, wuxuu yiri “xoriyadda maanta la helay waxaa ceel dhaar ku ridi doona Majeerteen iyo Habargidir si looga soo bixiyaana wey adkaan doontaa” waxay ku duubneyd cajalad aan dhegeystey.
  • ALLE ha u naxariistee Sudaan Timacadde; oo gabey aragti fogaa ka tiriyey xaalada ay soomaalidu ku jirtay berigaa, raadiya oo dhegeysta, wuxuuna mudan yahay in dugsiyada lagu dhigo “Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay dumiso mooyaane”.
  • ALLE ha u naxariistee Xaji Aadan Af-qalooc; Gabeyga “WAX NA DILEY”

“Marka xaqa la awdaa tolnimo loo abtiriyaaye

Haddii uu insaaf jiro qabiil lama ogaadeene

Kolkuu oday durbaanka u tumuu inan cayaaraaye

Waxaa ka dhigan mas’uul edeb xunoo lagu il-qaadaaye

Dadkuna kuma aqbalo qalad hadday kugu arkaayaane

Adna iinta inaad dhowrataad ku arrin weydaaye

Wax na diley xaqoon aasno iyo iib dacaawiya’e

Wax na diley dunuub aanad gelin aanadeed bixiye

Wax na diley anaanayida iyo abiyo laan sheege”

Gabeygu wuu dheeryahay ee raadsada kolley wax ku qaadan meysaane!

Hordhaca waan ku dheeraday inkasta oon jeclaa in aan sii hadlo, haddan waa in aan akhristayaash xurmeeyaa oon u gudbaa dulucda ujeedadeyda khuseysa doorashooyinka la hadal hayo.

NIN IYO COD

Basashu waxay leedahay baalal badan oo isku duuban; markiiba bu’da lama gaadhi karo waa in la dhilaa, la dhila, oo ladhilaa, si nin iyo cod loo gaadho waxaa ku gadaaman derbiyo, boholo iyo wax aan lamaleykarin xiligan sida:

  • Kooxaha madax ku sheega ah; ee ummadda dusha kaga fadhiya oon dooneyn in ay meesha ka baxaan, danna ugu jirto 4.5kaoo u sahleysa in ay lacagtey ummada ka xadeen ku iibsadaan xubinnimada iyo kuraas.
  • Aragtiyo siyaasadeed iyo afkaar bulsho la kala dilay aaney isku raaci karto, fakirka siyaasadeed ee hadda jiraa waa qabiil kaliya.
  • Dagaallo iyo colaado kala wejiyo duwan oo meelo badan oo dalka ah ka oogan, iyo dowlad aan xukumin Xamar mooyee meel kale.
  • Somaliland yaa xukuma, ma been baa laisu sheegayaa, mise budhcad baa bacad lagu keydinayaa.
  • Dowladaha deriska safka hore oon raali ka ahayn in marna Somalia dowlad fiican ka dhalato.
  • Beesha caalamka oon aragti caafimaad qabta lahayn; doorashooyinkana faragilin weyn ku leh, oo hadba ninkey soo diraan danta dalkiisa, aragtidiisa iyo caadifaddiisa raaca.
  • Qabqablaashii dagaalka oo abaal gud loo siiyey in ay barlamanka iyo dowladaba ku biiraan, bulshada caalamkuna ku taageertay.
  • Dhaqaalihii macaawinada ahaa ee soomalia loogu talagaly oo badankiisii Xamar lagu isticmaalay.

Iyo arimo badan oo murugsan oon la soo koobi Karin, in nin iyo cod la gaadhaa waqti dheer bey qaadan doontaa; una maleymaayo in jiilalka maantu codkooda maruun dhiiban doonaan.

AFAR IYO BADH (4.5)

  • Badhka (0.5)

Horta waa dulmi cad oo nin walba u jeedo, dadka loo qoondeeyey badhkaa (0.5); degaan ma wadaagaan, abtirsina ma wadaagaan. Badankoodu waa dadka ugu nabadda jecel Soomaalida, badankoodu waa dadkii ummadda soomaliyeed wax u tacbi jiray, Huga quruxda badan ee aliindiga u dhabi jiray ama u soohi jiray, farsamooyin aan la maarmin oo lagu faano hindisi jiray (Agab dhaqameed).

Dulmigu keligood kuma eka ee xataa soomaalida ayaa ku dulman, waxaaba laga yaabi lahaa in hoggaan fiican inooga soo bixi lahaa.

Dadkaa soomalidu dhammi ma dulminin ee waxaa dulmiyey kooxo ummaddu lahayste u tahay, daneystayaal ah, oo goor walbana dhiiga ummadda ku gor gortyami jiray, illaa haddana ummadda dusha kaga fadhiya.

Dulmanayaashaasi doorashada soo socotana wax weyn ka filimaayaan, 4.5 wax ha lagu qeybsado amase degaan e’, waa sida ay aniga iila muuqato.

  • Afarta xubnood (4)

Waxaa qoyndeystay ama xeertay rag leh ood baa naga dambeysa; sida ay latahay, oo ku andacoonaya annaga dadka kale ka laandheer kana mudan, ka hub badan oo dad badan oo looma ooye ay u bixiyeen laayey, ama haddaba laynkara, sida dadka loo dhiig miirana naqaan.

  1. Xubin Hawiye ayaa leh, ka faaloon mayo
  2. Xubin Raxanweyn baa leh, ka faaloon mayo; laakiin waa dad aan abaal gudin taarikhda kalan qaraney kii dilay iyo kii kale.
  3. Xubin Dirbaa leh sida la yiri. Waa xubin afduuban oo lagu hafrayo dad badan oon weli raali ka aheyn in ay soomalia wax la qaybsadaan, welina aan la qancin. Dadka Soomaliland waxay badankoodu yiraahdeen xoriyadayadii baan la soo noqonay; soomaalida kalena waxba ku darsanmeyno; marka haddaan la qancin ma xayn meelo laga soo uruuriyey; lana abtirsiimo ah, oo Xamar la keenay ayaa masili karta?

Waa in xaqiiqada lagu dhaqmaa, cidina aaney masalin, kursigooduna bannaanyahay inta laga qanciyaa amaba la deynayo oo loo ogolaanayo gooni isutaag.

  1. Xubinta Daarood, Intakale ka faaloon mayo si aanan xasaasiyad loo qaadin, ee aan eego oo ku ekaado qaybta Majeerteen.

Qaybta majeerteen (7 Xubnood) 58.33 waxaa qaataay Mahamuud Saleebaan; waar ma dacawaa habar dugaag wax u qeybisay. Weligaa caddaalad darro ka weyn ma aragteen.

Inta soo hadhay; min xubin baa loo siiyey Siwaaqroon, Cali Saleebaan, Cali Jibrahiil, Ugaadh saleebaan iyo Reer biciidyahan.

Haddana dhib wey dadka badankiis uma arkaan oo nabadda ayeey ka door bideen. Doorashooyinka soo socdana sidaas uun bey ahaaneyso hubaashii, waxaana ila habboon in nabadda laga xigo, waa in laga fakiraa mustaqbal dambe ee soomalia oon la hor seedin fidmo iyo eed lagu cambaaroobo; waayo waxa lagu tartamaya waa wax aan aduunya iyo aakhiro midna qiimo lahayn, waa dadkii u khidmeyn laha ummadda soomaaliyeed oo dhan, ma aha keligeen kuwa wax ka sugayaa mar haddii ay kursigaa fuulaan, ummadda soomaliyeed oo dhan ayaa wax ka sugeysa haddey daacad yihiin, cidna ugama sokeyno; wayo wax kale ma ah ee waa shaqaale haddii ay ummaddu wacyi leedahay ay la xisaabtimi kari lahaayeen kii xilkiisa xil gudan waayana u eryi lahaayeen, waayo ummaddu iyagaa dowladdii ah; laakiin doorasho xun awoodoodana aan arkeyn. Dhibka ugu weyna waa ummaddan oon hadaf iyo fakir mustaqbal aan lahayn qabiil iyo qabyaalad mooyee. Badda haddii lagu qaraqmo oo la is wada qabsado waa la shiidaa ama lawada qaraqmaa oo qofna ma badbaado.

DOORASHO DEEGAAN KU SALEYSAN

Deegmooyin in wax lagu doorto wey fiicnaanlahay,laakiin xaaladda maanta aan kujirro ma suuroobi kartaa oo si nabad ah ma ku hir geli kartaa; mise dhibaatooyin iyo colaado duugan bey soo fufin kartaa?

Si degaan wax loogu doorto waxaa is hortaagi kara arimahan soo socda:-

  • Xusbiyo ma jiraan, afkaar iyo aragtiyo siyaasadeen oo kala duwan oo lagu abuurikoro oon ahayn qabiil ama fakir shaati diini ah huwan mooyee ma jiri karo xiligan; mana maleynayo in uu jiri doono muddo dhow.
  • Intaan doorasho deegaan la soo bandhigin, waxay ahayd in sanadihii la soo dhaafay dadka la isu dumo, la wacyi geliyo oo ulajeedada iyo faaiidadaba sidii cashar loogu dhigo.
  • Qabaail walaalo ah oo hadda qoryaha isu sita oo deegaan wadaag ah; side bey xubin ugu heshiin karaan. Sow fidmo hor leh dhex dhig ma aha?
  • Dowlad aan Xamar weli dhaafin sidee bey Somaliland dadka sheegtay doorasho deegaan uga hirgelin kartaa; qarow!
  • Sool, khaatumo iyo laba eef; hadba meel u cararaya halkee lagu tirinaya.
  • Degaamo aan xuduud cad lahay side laga yeelayaa, sow intaan doorasho la soo ban dhigin in la xadeeyo ma ahayn.
  • Dadka deegaankii ay ku dhasheen iyaga iyo waalidkood; qabiil ahaan uga soo barakacay ee deegaan aaney lahayn abtirsiim fog ahaanteed u yimid, xagee loo qoondeeyey, ma kuwii asalka ahaa ayey ku qabsadaan xubinta deegaanka, mise meeshii ay ku dhasheen ee ay hantida ku lahaayeen bey wax u doonanayaan laguna celinayaa.
  • Horta bal dadka ma la tirakoobay?!

DOORASHADA ILA HABBOON

Doorashada aan u maleynayo in ay fiicnaan lahayd suurtana geli lahayd waxay iigula muuqataa sidan:

  • In marka hore Soomaaliland la qanciyo xalna laga gaadho, laso dumo haddii kalena masiirkooda loo daayo.
  • In marka hore khilaafaadka ka dhex jira bulshada iyo colaadaha la dammiyo.
  • Ka dib, qabaailka soomalia oo dhan xubno siman oo wax garad iyo ALLE ka cabsi; lagu soo xulay ummada wax u doortaan oo codkooda u dhiibtaan.
  • Dadka isa soo sharaxa in taariikhdooda iyo shakhsiyaddoda dhab loo derso, loona saaro guddi lagu xulay sariigasho, caddaalad iyo aragti dheeri dadkuna ku kalsoonaan karo. Aqoon keliyu wax tari meysee waa in ALLE ka cabsi, garaad, karti, sariigasho iyo caddaalad oogid wax lagu xushaa mar walba. Bal eega siyaasiyiintii lixdankii (Aadan Cadde iyo Cabdirisaq X. Xuseen “AUN”) iyo kuwa manta aqoonta sheeganaya ee dalkii iyo dadkii dulleeyey.

Ummadda soomaaliyeed dowlad karaamo iyo sharf huwan baa EEBE-weyne siiyey, wey hanan waayeen oo fashileen, waxaa gacantooda kala baxay duhur cad daneystayaal iyo keligiitalis dhaamey kuwa hadda gabgab leh.

Waxay ku daba safteen oo qabiil ahaan u raaceen kuwo dhiigyacab ah, qaarkoodna la leeyahay waabey waalaayeen; oo markii dambe iyaga laftoodi qaar laayey, iyo kuwo kale oo biliqeystay hantidii ummadda dalkiina burburiyey welina jaqaya.

Halkaa bulshadu iyada is dhigtay, muddo dheera ka biximaayaan gacanta danestayaasha, marka waa in ay wax walba ka doortaan nabadda iyo xasilloonida; ka dibna si dhab ah uga fakiraan ayahoodo iyo aayaha jiilalka soo socda, waa in ay ogaadaan in ay iyagu awoodda sare leeyihiin haddi ay qabyaaladda tuuraan oo doorashooyinkooda ku saleeyaan nin door.

ILAAHAY waxaan ka baryayaa in uu ummaddan il kheyrka aragta u furo, doorasha xumada, qabyaalada iyo colaadda aan ulajeedada lahayna ka bed baadiyo.

Waxa qoray: Cabdiraxman Cabdullahi Warfa

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com