Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amar ku bixiyay in si kumeel gaar ah loo joojiyo howlaha burburinta iyo baneynta dhulka danta guud ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Go’aankan ayaa yimid kadib cabashooyin isa soo tarayay oo kasoo baxay qaar kamid ah dadka deganaa goobaha laga waday howlaha baneynta, kuwaas oo sheegay in saameyn xooggan ay ku yeesheen tallaabooyinkaasi.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, Saalax Xasan Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in amarka joojinta uu si toos ah uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana loo soo marsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
“Iyadoo la raacayo amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo kan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaa gabi ahaanba la joojiyay howlaha baneynta iyo dib u habeynta dhulka danta guud ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday caasimadda Muqdisho,” ayuu yiri Afhayeenka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in maamulka gobolka iyo dowladda federaalka ay dib u eegis ku sameyn doonaan qorshayaasha la xiriira dhulka danta guud, si loo helo hannaan waafaqsan sharciga iyo danaha bulshada.
Sidoo kale, dowladda ayaa magacawday guddi isugu jira khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo loo xil saaray inay kasoo talo bixiyaan qaabka ugu habboon ee loo maareyn karo dhulka danta guud.
Guddigan ayaa la filayaa inay soo diyaariyaan talooyin ku saabsan sida loo ilaalin karo dhulka dowladda, iyadoo aan lagu xad-gudbeyn xuquuqda dadka shacabka ah ee ku nool goobahaasi.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankooda ballan-qaaday in dadka laga barakiciyay goobaha la burburiyay loo sameyn doono qorshe dib u dejin ah, isla markaana la siin doono dhul iyo adeegyo aasaasi ah.
Go’aankan cusub ayaa kusoo aadaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ay wadaan qaban-qaabada dibadbax weyn oo looga soo horjeedo dowladda, isla markaana ay shacabka la barakiciyay ugu baaqeen inay muujiyaan dareenkooda, kana soo horjeestaan waxa ay ku tilmaameen dhul-boobka ka socda caasimadda.
Xalay, dagaal xooggan oo la xiriira xiisadda dhulka ayaa degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo shacab careysan, kaas oo ay si adag u cambaareeyeen mucaaradka.
Iska hor-imaadkaas oo ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku hayay howlaha baneynta dhulka danta guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo caasimadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, ayaa dhacdadaasi ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.
“Waxaan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay, Xasan Sheekh Maxamuud, xusuusinayaa in la gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

