Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug iyo Dowladda Federaalka ayaa haatan sii kala fogaaday, kadib tallaabo uu maanta qaaday Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo magacaabis sameeyay.
Qoor Qoor oo wareegto soo saaray ayaa buriyay magacaabistii Col. Maxamed Daahir oo ay dowladda dhexe dhawaan u magacowday Taliyaha Booliska Galmudug, isaga oo xilka kusoo celiyay taliyihii xilka laga qaaday ee Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin, sida ku cad wareegtada.
Arrintan ayaa muujineyso in Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Villa Somalia, waxaana tallaabada uu qaaday ay abuureysaa xiisada kulul oo dhex-marta labada dhinac.
Dowladda Federaalka ayaa maalmo kahor bedashay inta badan taliyeyaashii ka howlgalayay deegaannada Galmudug, iyada oo magacowday saraakiil cusub, taas oo hadda keentay in Qoor Qoor ka biyo diido, soona magacaabo saraakiil kale oo dhankiisa ah.
Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda oo ku aadan magacaabista uu sameeyay Qoor Qoor, iyado arrintan ay durbaba dhalisay hadal-heyn xooggan oo qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.
Dhabahan waxaa hora u qaaday madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka biyo diiday qorshaha dowladda, waxaase ugu dambeyn dhacday in meesha laga saaro, kadibnala lala wareego maamulka.
Si kastaba, arrimaha haatan kasoo cusboonaaday Galmudug ayaa salka ku haya doorashada maamulkaas, wuxuuna khilaafkan bilow u yahay mowjado siyaasadeed oo maalmaha socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb.


