Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay shirkii maanta ee Golaha Wasiirrada ayaa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada magaalada Muqdisho, kana abaabulayo dibadbax ka dhan ah dowladda.
Xamza oo si guud uga hadlay xaaladda dalka ayaa tilmaamay in dowladda ay diyaar u tahay dhageysiga siyaasiyiinta ka aragtida duwan, balse aan la aqbali karin in khalkhal la galiyo amniga iyo xasilloonida dalka, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan amniga iyo dowladnimada
Ra’iisul wasaaraha ayaa mucaaradka ku eedeeyay inay ka shaqeyneynayaan carqaladeynta amniga caasimada, isla markaana uu cambaareynayo.
“Waa nasiib darro haddii ay arrintu noqoto teyda la qaadanayaa ama nabad laguma seexanayo arrintaas aad iyo aad ayaa u cambaareynayaa” ayuu yiri Xamza.
Sidoo kale, wuxuu sii raaciyay “Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee maalmahan wada caga jugleynta ka dhanka ah amniga Muqdisho waxaan usoo jeedinayaa haddii aad xukun dooneysaan Ilaaheybaa bixiya, waana garaneysaan jidka loo maro midka aad hadda ku caga jugleyneysaan ma’aha mid ku haboon.”
Dhinaca kale wuxuu ugu baaqay xubnaha mucaaradka inay yimaadaan gogosha u dhigay Madaxweynaha Soomaaliya, ayna keenaan talooyinkooda, isaga oo xusay in dowladdu ay diyaar u tahay inay dhageysato.
“Waxaan rajeynayaa inaad gogosha si buuxda uga soo qayb-gashaan idinkoo talo wada ama talo raac ah,” ayuu mar kale yiri Ra’iisul wasaare Xamza.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo xasaasi ah, iyada oo mucaaradka ay dhabarka u jeediyeen Villa Somalia, waxayna hadda abaabulayaan banaabax dhacaya 10-ka bishan, kaas oo ay sheegeen inay uga soo horjeedaan barakicinta shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho

