Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo isku soo dhowaanaya – Maxaa shalay dhacay?

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ayaa Arbacadii tegay Abu Dhabi, wuxuuna la kulmay dhaxal-sugaheeda, taasi oo ah astaantii ugu caddeyd ee muujineysa in xiriirka labada dal ee Khaliijka uu soo hagaagayo.

Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta ee WAM ayaa werisay in dhaxal-suge Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu xarunta al-Bahr ee Abu Dhabi ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Warbixinta oo koobneyd ayaa lagu sheegay in labada mas’uul “ay ka wada-hadleen xiriirka xooggan labada dal, iyo hababka sare loogu qaadi karo, si loogu faa’iideeyo danaha labada qaran.”

Xiriirka labada dal, ayaa hase yeeshee, ahaa mid aad uga fog xooganaan tan iyo bartamihii 2007, markii Imaaraadka Carabta ay qeyb ka noqotay afar dal oo Carbeed oo qaadacay Qatar, si ay isugu dayaan inay ku qasbaan inay joojiso taageerada ay siiso ururka Ikhwaanul Muslimiin iyo ururada ku xiran, oo Abu Dhabi ay u aragto inay halis ku yihiin xukunkeeda.

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Bahrain ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada qadacaadda oo looga dan lahaa in sidoo kale Qatar lagu cadaadiyo inay xiriirka u jarto Iran.

Ugu dambeyntii, kadib saddex sano iyo bar, Sacuudi Carabiya ayaa hormuud u noqotay dadaal lagu soo afjaray khilaafka, waxyar kahor intii aan Joe Biden loo dhaarin madaxweynaha Mareykanka.

Xayiraadda la saaray Qatar, oo ay qeyb ka aheyd in duulimaadyada Qatar laga xanibay hawada dalalkan, sidoo kalena laga xiray xuduudaha dhulka, ayaa si kastaba ku guul-darreysatay in laga gaaro ujeedadii laga lahaa oo aheyd in Qatar lagu qasbo inay isbeddel sameyso.

Inkasta oo xiriirka diblomaasi ee Qatar iyo Sacuudi Carabiya uu horumar sameeyey, haddana xiriirka Qatar iyo Imaaraadka ayaa weli liita, marka la eego heerka ay la ekeyd kala qeybsanaanta.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ee Imaaraadka Carabta ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah loo qaaday qaboojinta xiriirka kacsan.

Booqashada ayaa timdi wax ka badan bil kadib markii Abu Dhabi ay la-taliyaheeda amniga qaranka Tahnoun bin Zayed Al Nahyan u dirtay Qatar. Kahor Qatar, Sheikh Tahnoun ayaa u safray Turkey – oo ah dal si weyn u taageera Qatar.

AP + VOA