Muxuu Barkhad Jaamac Batuun ka yiri hadalkii Rooble?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka tirsan xubnaha golaha wakiilada ee Somaliland, ayaa isna ka jawaabay hadalkii dhowaan kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ugu baaqay reer Laascaanood inay ka dhiidhiyaan tallaabadii lagu soo masaafuriyey dadkii Soomaaliyeed ee ka soo jeeday dhanka koonfurta.

Batuun oo u jawaabayey Rooble ayaa shaaca ka qaaday in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay amniga dalka Somaliland, isla-markaana uu dhiigoodu kala qaalisan yahay dheeman.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xukuumadda Soomaaliya looga baahan-yahay inay wax ka qabato dhiiga shacabka magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Rooble wax aan leeyahay haddii dhiiga dadka Muqdisho micno aanu kula laheyn Adiga Anaga dhiiga dadka Somaliland dheeman nagala qaalisan,” ayuu ku yiri Barkhad Batuun.

Waxa kale oo intaasi ku sii daray “Rooble Ummadda malaha waxa ay u heysatay in ra’iisul wasaare Soomaliyeed yahay horta waa ra’iisul wasaare reereed”

Dhinaca kale wuxuu Barkhad tilmaamay in ka xisbi Wadani ahaan ay aad uga xun yihiin masaafurinta dadkii laga soo saaray Laascaanood, gaar ahaan kuwa danta yar & dumarka.

“Dadka danyarta ah ee dumarka iyo caruurta ah ee dawladdu saartay marnaba Xisbi ahaan ma taageersanin wax dhaqanka, diinta iyo dawladnimada ku fiicanna may aheyn” ayuu sii raaciyey.

Dhanka kale dad badan ayaa ka falceliyey jawaabta uu bixiyey xildhibaanka, waxaana qaarkood ay ku dhaliileen inuu wax ka sheego reer Muqdisho, maadaama si weyn looga taageeray guushiisii doorashooyunkii dhowaan  ka dhacday gudaha magaalada Hargeysa.

Somaliland aoo horey jawaab rasmi ah uga bixisay hadalkii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku tilmaamtay arrin nasiib darro ah, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda lagu yiri “Iyada oo ay ugu wacan tahay hadallo nasiib-darro ah oo dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka sheegay arrimo ku saabsan mas’uuliyadaha madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, xukuumadda Somaliland waxay dareensan tahay inay ku khasban tahay inay sharaxaad bixiso,”.

Bayaankan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ra’isul wasaare Rooble uu xog aan sal iyo raad toona laheyn ka bixiyey dadkii laga soo masaafuriyey magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Somaliland ayaa bilowday in deegaanadeed ay kasoo masaafuriso dadka kasoo jeeda koonfurta, waxaana go’aankan uu sameeyey qoysas ku noolaa maamulkaasi.