26 C
Mogadishu
Wednesday, December 31, 2025

Qatar oo go’aan ka gaartay dalab cusub oo ka yimid xulufada Sacuudiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muq dishho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa waxay diiday wadahadalka u xiran sharuudaha, kaasi oo ay u soo gudbiyeen dowladaha Qatar u jaray xiriirka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Qatar, Maxamed Binu Cabdi Raxmaan Aala Thaani, ayaa waxaa uu sheegay in dalkiisa uu diiday liis sharuudo ah oo ay u soo gubiyeen dowladaha carbeed oo xiriirka u jaray Qatar, waxaa uuna arrintaasi ku sheegay in ay meel ka dhac ku tahay qawaaniinta caalamiga ah.

Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar ayaa waxay muujiyeen in wadahadalka Qatar uu ku xiranyahay in ay ka soo jawaabto liiskii sharuudaha ahaa ee ay ugud biyeen marka ay bilaabatay dhibaadata Khaliijka.

Dhanka kale wasiirada arrimaha dibadda ee dowladaha xiriirka u jaray Qatar oo shalay shirk ku qabtay Baxreyn ayaa waxay sheegeen in ay diyaar u yihiin wadahadal shardiyeysan oo ay lagalaan Dooxa, kaasi oo ah in si dhab ah loola dagaallamo argigixisada  iyo in la joojiyo maalgalintooda.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News