Cod + Sawiro: Go’aanno adag oo laga soo saaray shirkii Farmaajo iyo hay’adaha ammaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) –   Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay Xarunta Madaxtooyada saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalka.

Kulankan waxaa looga hadlay qorshayaasha guud ee la xiriira tayeynta iyo tababarradda ciidamada, dagaalka lagula jiro argagixisada, xoojinta wada shaqaynta ciidamada iyo hanashada ammaanka guud ee dalka kahor inta uusan soo idlaan howlgalka ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Madaxwaynaha ayaa ku amray saraakiisha ciidamada in ay soo dhisaan guddi ka shaqeeya diyaarinta qorshe midaysan oo ku aaddan xoojinta wada shaqaynta laamaha kala duwan ee ciidamada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa u xaqiijiyey sarakiisha ciidamada in ay dowladdu qaadayso tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo tayeynta iyo xoojinta ciidamada.
taliye kuxigeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Guuto Bashiir Cabdi Maxamed oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay dhiseen guddi ka kooban 8 xubnood oo ka kala tirsan saraakiisha ciidamada xoogga dalka, Booliska, Nabad sugidda, iyo Asluubta.

Guddigaan la magacaabay ayaa Madaxwaynaha muddo kooban kadib usoo gudbindoona qorshe midaysan oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Dalka.

Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed oo ah Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaaliyeed ayaa kulankaasi markii uu dhammaaday kadib saxaafadda u faah faahiyey waxyaabihii laga wada hadlay.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com