Kheyre oo ka hadlay askartii AMISOM looga laayey dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeeyey askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay deegaanka Golweyn. Ciidankaas oo isugu jira kuwa AMISOM iyo ciidanka XDS oo difaacaya shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka AMISOM waxey ka yimaadeen dalalkooda si ay shacabka Soomaaliyeed uga difaacaan kooxaha argagaxisada ah oo caadeystay inay shacabka laayaan, isla markaasna doonaya in ay hor istaagaan horumarka ay dawladda iyo shacabku ku tallaabsadeen. Ciidanka AMISOM waxey diyaar u yihiin inay dhiiggooda u huraan wallaalahooda Soomaaliyeed, waana uga mahadcelineynaa sida geesinimada leh oo ay ugu soo gurmadeen dalkan.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dalalka Afrika ee ciidamadooda u soo direy Soomaaliya uga tacsiyeeyey, geerida ku timid, isagoo sheegay in huridda dhiigooda uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay uga mahadcelinayaan. Ciidamada AMISOM waxey wadanka u joogaan in dalku uu noqdo mid amni ah, iyadoo aan ognahay cidda diidan nabadda inay tahay kooxaha argagaxisada ah oo shacabka ka hortaagan inay nabad ku noolaadaan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com