Faahfaahin ku saabsan qarixii Muqdisho ka dhacay iyo magaca qofkii lala eegtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aad uga uga akhrisataeen wararkeenii hore Qarax xooggan ayaa galabta xiligii qorax dhaca laga maqlay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo uu lahaa nin ka tirsanaa dadka degaanka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cabdi Cunguf sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Xilliga uu qarxayey gaarigaan ayaa la sheegay inaysan cidna ku jirin, , wuxuuna baarkin ahaan u yaalay guriga ninka lahaa oo ka soo horjeeda masjidka Al-Iimaan ee degmada Waaberi, kaasoo aan wax badan u jirin Saldhigga Waaberi.

Sida wararkii ugu dambeeyey ee halkaas laga helayo sheegayaan Ugu yaraan saddex ruux oo isugu jiray wiilal dhalinyaro ah iyo haweeney goobta ka dhowaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa gaarigan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa daqiiqado ka dib goobta gaaray, iyagoo halkaas ka sameeyey baaritaano lagu raadinayo ciddii ka dambeysay qaraxaan oo la rumeysan yahay in meelo dhow laga hagayey.

Qaraxaan ayaa kusoo aadayo xilli Shalay  isla degmada waaberi gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, kaasoo geystay khasaare balaaran oo naf iyo maalba leh.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com