Congress-ka Mareykanka oo madaxa isku galiyay Turump iyo Vladimir Putin

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan labada Aqal ee Congress-ka Maraykanka uu ansixiyey in cunaqabateyn la saaro dalka Ruushka, ayaa waxa uu go’aankaasi xumeeyay xiriirka Siyaasadeed ee Dornald Turump kala dhexeeya dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.

Vladimir Putin oo doorashada Mareykanka garab kusiiyay Dornald Turump, ayaa wixii ka danbeeyay ansixinta cunaqabateynta qaatay go’aan uu xiriirka ugu gaabinaayo dowlada Mareykanka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo Jawaab ka bixinaaya go’aanka Baarlamaanka Mareykanka ayaa sheegay inuu amar ku bixiyey in diblumaasiyiin gaaraya 755 oo Maraykan ah ay ka baxaan Ruushka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa iclaamiyay in 755 diblumaasiyiin ee Mareykanka ka jooga safaaradooda Moscow ay dalka uga baxaan ilaa 1da bisha September ee 2017.

Putin waxa uu sheegay in Ruushka uu ku waajibay inuu Jawaab militery ka bixiyo talaabooyinka lidka ku ah dowladiisa ee kaga imaanaya Mareykanka.

Cunaqabateynta ay xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka saaren dowlada Ruushka ayaa Jawaab u ah farogelintii la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo waliba dagaalada uu Ruushka ka wado Ukraine iyo Siiriya.

Dowlada Ruushka ayaa tilmaantay inay la wareegeyso ilaa 2 dhismo oo ay Safaarada Maraykanka ku leedahay dalkooda taasi oo looga jawaabayo la wareegidii Maraykanka la wareegay guryo Ruushka uu ku lahaa Maraykanka.

Talaabadani ayaa kusoo beegmeysa xili shaki laga muujinaayo doorashada uu kusoo baxay Madaxweynaha Mareykanka Dornald Turump.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com