25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Qatar oo Trump siineysa hadiyaddii ugu qaalisneyd iyo su’aalo sharci oo ka taagan

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu aqbalo diyaarad raaxo ah oo nooca Boeing ah oo ay siiyeen qoyska boqortooyada Qatar si uu ugu adeegsado Air Force One, isla markaana uu ku sii duulo kadib markii uu xafiiska baneeyo, inkastoo ay jiraan sharciyo adag oo mamnuucaya hadiyadaha madaxda Maraykanka.

ABC News, oo ugu horreyn daabacday warkan, ayaa diyaarada ku tilmaantay “qalcad duuleysa,” iyadoo sheegtay in Boeing 747-8 ay noqon karto hadiyadda ugu qaalisan ee abid soo gaarta dowladda Maraykanka.

Dastuurka Maraykanka ayaa mamnuucaya in mas’uuliyiinta dowladda ay aqbalaan hadiyado “ka imanaya boqor, amiir ama dowlad shisheeye,” iyadoo qodobkaasi loo yaqaan emoluments clause.

Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa qorsheynaya inuu sharciyada ka leexdo isagoo diyaarada u wareejinaya maktabadda madaxweynenimada marka uu xilka ka dago.

Qorshahan ayaa lagu dhawaaqi doonaa inta lagu guda jiro safarkiisa toddobaadkan uu ku tagayo saddex waddan oo Bariga Dhexe ah, oo ay Qatar ka mid tahay, sida ay weriyeen ABC iyo The New York Times.

Aqbalaadda hadiyadda ayaa dhalisay su’aalo adag oo dhinaca anshaxa ah, iyadoo u muuqata inay jebineyso xeerarka la dagaallama musuq-maasuqa dowladda.

Si kastaba, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Caddaaladda ayaa rumeysan in hadiyaddan sharci ahaan ay waafaqsan tahay, maadaama aysan la xiriirin wax adeeg ama abaal marin gaar ah, taasoo ay ku doodayaan in aysan noqon laaluush, sida ay u sheegeen ilo xog ogaal u ah ABC.

Sidoo kale, waxay ku andacoonayaan in aysan dastuuri ahaan jabinaynin, maadaama diyaarada marka hore loo wareejinayo Ciidanka Cirka Maraykanka (US Air Force) ka hor inta aan loo gudbin maktabadda madaxweynaha, taasoo la micno ah inaan la siineyn qof shaqsi ah.

Aqalka Cad ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi ku saabsanaa faallo la xiriirta arrintan.

Guddiga Qaranka ee xisbiga Dimoqraadiga (DNC) ayaa sheegay in tallaabadan ay caddeyn u tahay sida Trump ugu adeegsanayo Aqalka Cad danihiisa dhaqaale ee gaarka ah.

“Inta qoysaska shaqeeya ay la tacaalayaan sicir barar iyo dukaamada oo madhan, Trump weli waxa uu xoogga saarayaa inuu isagu naftiisa iyo maalqabeenadiisa gaarka ah uu dhaqaale ku helo,” ayaa lagu yiri email ay DNC u dirtay taageerayaasheeda.

Warbixinnada ayaa sheegay in Trump uu bishii Febraayo ku dhex socdaalay diyaarada ay leedahay Qatar xilli ay taagneyd garoonka Palm Beach International Airport.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa muddo dheer muujinayay sida uu uga niyad jabsan yahay diyaaradaha madaxweynaha ee Air Force One – oo ah laba diyaaradood oo si gaar ah loo habeynay ee nooca Boeing 747-200B.

Bishii hore, Trump waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay “eegayso ikhtiyaarro kale” kadib dib u dhac ku yimid keenista laba diyaarad oo cusub oo Boeing ah.

Boeing ayaa 2018-kii heshiis la saxiixday dowladda Maraykanka si ay u keento laba diyaaradood oo nooca 747-8 ah dhammaadka 2024, qiimahooduna ahaa $3.9 bilyan — si loogu adeegto cidda markaas Aqalka Cad joogta.

Si kastaba ha ahaatee, shirkad hoose oo la shaqaynaysay Boeing ayaa xirmatay, cudurka safmarka ah ee coronavirus-na waxa uu carqaladeeyay wax-soo-saarka, taasoo keentay in keenista diyaaradaha dib loo dhigo illaa 2027 iyo 2028.

Inkastoo diyaarada ay Qatar u hibeynayso Trump la sheegay inay ka weyn tahay 10 sano, khubaro ayaa sheegay in diyaaradda cusub ee Boeing 747-8 ay qiimaheedu u dhexeeyo $400 milyan.

Sidoo kale, diyaaradda waxa khasab ku ah in si gaar ah loo qalabeeyo si ay u noqoto Air Force One.

- Advertisement -

Read more

Local News