Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar, halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah, taas oo ku soo aaday, kadib baaqii kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Cirro uu casuusmaad rasmi ah ka helay Qatar, uuna la kulmi doono madaxda sare ee dalkaasi.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta safar shaqo ugu bixi doona dalka Qatar. Madaxweynaha ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dalkaasi , waxaana uu la kulmi doona masuulyiinta ugu sareysa dalka Qatar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Xog kale oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in u yeerista Madaxweynaha Somaliland ay daba socoto, kadib dalabkii maalin kahor kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo codsaday in dib loo bilaabo wada-hadalladii labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in Qatar ay dooneyso in lasoo nooleeyo wada-hadalladii Hargeysa iyo Muqdisho ee hakadka galay, kadib khilaafyo horleh oo soo kala dhex-galay labada dhinac.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale inta uu joogo Dooxa kala hadli doono madaxda Qatar iskaashiga gaarka ah ee kala dhexeeya, si loo sii xoojiyo la’iskuna dhaafsado fursado muhiim ah.
Booqashado Cabdiraxmaan Cirro ee Qatar ayaa imaaneyso, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xuska sanad guurada 65-aad 26 June uu ugu baaqay hoggaanka Somaliland inay ka shaqeeyaan sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka & Somaliland, si loo sii amba qaado, wuxuuna ka codsay Cirro iyo xukuumaddiisa in ay noqdaan geesiyaal u istaaga sidii xal waara loo gaari lahaa, laguna dhisi lahaa kalsooni iyo is-afgarad.
“Dowladda Soomaaliya waxay diyaar u tahay wax walba oo suurto gal ka dhigi kara dib u soo celinta midnimada dalka. Waxaan ugu baaqayaa walaalaheenna Somaliland inay dhiirranaan muujiyaan, si wadahallada loo bilaabo mar kale,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Walaalaha Waqooyi waxaan leeyahay: dhiirrada. Midnimadu wax ma bi’iso ee waxa ay soo kordhisaa awood iyo haybad,”.
Si kastaba, Dowladda Soomaaliya illaa iyo hadda kama hadlin booqashada Cirro ee Dooxa iyo inay iyaduna wafdi kale u direyso Qatar oo kamid ah dowladaha saaxbibka dhow la’ah.