Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa si cad u cambaareysay islamarkaana u beenisay eedeymo sheegaya inay bixisay “lacago” lagu wiiqayo dadaallada ay wado Masar iyo dhex-dhexaadiyeyaasha kale ee ku lugta leh wadahadallada xabbad-joojinta u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.
“Dowladda Qatar waxay si adag u cambaareyneysaa wararka ay faafiyeen qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo warbaahinta, kuwaasoo ku eedeynaya Qatar inay bixisay lacago lagu carqaladeynayo dadaallada Masar ama dhex-dhexaadiyeyaasha kale ee ka qaybgalaya wada-hadallada socda ee u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xafiiska Warbaahinta Caalamiga ah ee Qatar Khamiistii.
Qoraalka ayaa lagu adkeeyay in “eedeymahaasi aysan wax sal iyo raad ah lahayn, isla markaana ay adeegayaan ajandayaasha kuwa raba inay wiiqaan dadaallada dhex-dhexaadinta iyo xiriirka u dhexeeya dowladaha.”
Qatar ayaa ku tilmaamtay eedeymaha “horumar cusub oo ka mid ah olole marin-habaabin ah” oo loogu talagalay in lagu leexiyo dareenka bulshada caalamka ee ku wajahan dhibaatada bani’aadantinimo, islamarkaana lagu sii siyaasadeynayo dagaalka ka socda Gaza.
Doha ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsatay inay weli ka go’an tahay doorkeeda bani’aadantinimo iyo diblomaasiyadeed ee dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Gaza, iyadoo la shaqeyneysa Masar si loo gaaro xabbad-joojin waarta loogana badbaadiyo rayidka waxyeellada dagaalka.
Sidoo kale, Qatar waxay bogaadisay doorka muhiimka ah ee Masar ku leedahay dhexdhexaadinta, iyadoo xustay in labada dhinac ay si joogto ah u wada shaqeynayaan si loo xaqiijiyo dadaal mideysan oo lagu soo celinayo xasilloonida gobolka.
‘Qatargate’
Falcelinta Qatar ayaa timid kadib markii warbaahinta Israa’iil ay baahiyeen eedeymo sheegaya in la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ay lacag ka heleen Qatar, si ay u faafiyaan warar wiiqaya doorka Masar ee dhex-dhexaadinta u dhexeysa Xamaas iyo Israa’iil, halka ay sidoo kale amaan u jeedinayaan Qatar.
Maxkamadda Rishon LeZion ee Israa’iil ayaa Khamiistii hal maalin oo dheeri ah ku kordhisay xabsiga laba kaaliye oo ka tirsan xafiiska Netanyahu, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay lacag ka heleen Qatar si ay warbaahinta Israa’iil uga abuuraan muuqaal u roon Qatar.
Telefishinka dadweynaha Israa’iil KAN ayaa sheegay in maxkamaddu ay diiday codsi booliisku ku doonayey toddoba maalmood oo xabsi dheeraad ah, balse ay ogolaatay 24 saacadood oo dheeraad ah.
KAN waxay intaas ku dartay in baaritaannada la sameeyay ay muujinayaan is-khilaafyo ku jira markhaatifurradii eedeysanayaasha — kiiskan oo warbaahinta Israa’iil u bixisay magaca “Qatargate.”
Sida laga soo xigtay warbixinta, mid ka mid ah labada eedeysane ayaa been sheegay intii lagu jiray su’aalo-weydiinta, inkastoo aan la shaacin magaciisa.
Arbacadii, Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa cambaareeyay baaritaanka lagu hayo kaaliyeyaashiisa, isagoo ku tilmaamay “mid nacasnimo ah.”
Tifaftiraha wargeyska The Jerusalem Post, Zvika Klein, ayaa Khamiistii laga sii daayay xabsi guri kadib markii la su’aalay xiriirkiisa kiiskan iyo labada sarkaal ee la xiray.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Israa’iil, Gali Baharav-Miara, ayaa sheegtay in laba saxafi oo kale laga yaabo in sidoo kale la wareysto maadaama ay suurtagal tahay in ay kiiskan ku lug leeyihiin.